Joe Biden oo ku baaqay in aan la qaban dood inta uu Trump hayo cudurka Corona.

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku baaqay  in aan la qaban dooddii loo ballansanaa  ee dhax mari laheyd isaga iyo M adaxweyne Donald Trump 15-ka bishaan October, maadama Trump uu qabo cuurka Corona.

Biden ayaa yiri “Haddii uu Trump sii xanuunsanaado ma ahan inaan dood qabano”.

Trump ayaa sheegay markuu isbitaalka kasoo baxay in xaaladiisu fiicantahay, diyaarna u yahay inuu ka qayb qaato doodda labaad ee loo ballansanyahay inay ka dhacdo Miami.

Madax wayne Trump ayaa Isniintii laga soo saaray isbitaal uu ku jiray seddex maalin isagoo kusoo laabtay Aqalka Cad