Gabar yar oo ku jirtay xero qaxooti oo muddo dheer kaddib la midowday qoyskeeda

Gabar agoon ah oo shan sano jir ah oo ku xayirneyd xero qaxooti oo Suuriya ku taalla ayaa dib ula midowayso qoyskeeda oo ku nool Canada kaddib olole bilooyin qaatay.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Amiira ayaa waxaa la aaminsanyahay in waaliddiinteeda ay ka mid ahaayeen dad u janjeera dhanka kooxda isugu yeertay Dowladda Islaamka.

Adeerkeed oo ku nool Canada ayaa ku booqday xero qaxooti isagoo u ololeynaya in la geeyo Canada. Hase ahaatee muddo afar bilood ah dowladda waxay u aragtay tallaabo adag si loo soo celiyo.

Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Justin Trudeau ayaa sidoo kale aragtidiisa ka dhiibtay kiisakan . “Hadda xaaladda waa mid aad khatar u ah in saraakiisha Canada ay galaan Suuriya iyo xeryahaas qaxootiga,” ayuu u sheegay CTV News bishii Diseembar, 2019.

Bishii July, qareen u doodaya qoyskeeda ayaa codsi u gudbiyay maxkamadda federaalka isagoo ku eedeynaya in dowladda ay ku xadgudbeyso xuquuqdeeda muwaadinnimo.

Maalintii Isniintii, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Canada Francois-Philippe Champagne ayaa sheegay in gabadha dib ay ula midoobayso qoyskeeda ku nool Canada, wuxuuna ka codsaday saxaafadda inay ixtiraamaan xogta gaarka ah ee qoyska.

“Haatan waxaan diiradda saareynaa ilaalinta maclumaadka gaarka ah ee gabadhan yar iyo in ay hesho taageerada iyo daryeelka loo baahan yahay si ay nolol cusub uga bilodwdo halkan Canada.”

Bishii Juun, hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch, waxay ku dhaleeceysay Canada inay ku guul darreysatay inay dib u celiso Tiro muwaaddiniin ah – oo ay ku jiraan ugu yaraan 26 carruur ah – oo la sheegay inay xiriir gaar ah la leeyihiin kooxda isugu yeertay Dowladda Islaamka ah (IS).

Amira waxaa lagu hayey xerada qaxootiga ee al-Hawl, halkaas oo ay ku jiraan kumannaan katirsan xubnaha IS.