Codsi furan oo ku socda Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar. (Hooyo Waayeel ah oo Soomaali ah oo Go Home u baahan)

Waxaan ka codsanaynaa Masuuliinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Magaalada Qaahira in ay u naxariistaan una Fududeeyaan Maamada Waayeelka ah ee Soomaaliyeed ee xanuunsan in ay hesho Go Home si ay dalkeeda ugu laabato maadaamaa xaaladeeda ay aad u liidato.
Waa qof dumar ah oo waayeel ah oo Bishii July ilaa iyo iminka xanuunsan oo Comma gashay, ka dibna jirkeeda qayb dhan howlgab ah (paralysis) oo aan socon karin sariirna saaran.
Sidoo kale, Maamada wayeelka ah ee Soomaaliyeed dalka Masar uma joogaan dad ehel ah, waxaa is xil qaamay oo xanaaneeya gabdho Soomaaliyeed.
Hadaba, in muddo ah ayaa lagu celceliyay Safaaradda Soomaaliyeed si ay u hesho Go Home, nasiib daro ilaa iyo iminka waa lagu adkeynayaa, mana aqaan sababta. !!!
Sida ay ka warqabaan dadka Soomaaliyeed ee dalka Masar safaaradaha dowladaha shisheeye marka ay la kulmaan Xaalado gaar ah sida qof aan haysan Document ama aad u xanuunsan waxay ula dhaqmaan si gaar ah wayna u fududeeyaan shaqada ay u qabanayaan Muwaadanka raacsan Safaaradooda, xitaa qof ay siiyeen Visa ayay inta ay warqad u qoreen bay u direen Red cross si qofka u helo Travel Document waa hadii uusan lahayn Passport.
Muddo laba maalin ka hor baan maqlay xaaladda Maamada Soomaaliyeed ee aadka u xanuunsan, waana ka seexan waayay oo damiirka ayaa ii diiday, waxaana ka war sugayay dadaalo socday in lagu dhameeyo. Nasiib daro, wali way cakiran tahay xaaladda maamada Soomaaliyeed ee Sariir-yaalka ah.
Ugu dambeyn waxaan ka codsanaynaa Safaaradda Soomaaliyeed ee Qaahira gaar ahaan Waaxda Qunsuliyadda oo howsheedu ay tahay in ay u fududayso Maamada Waayeelka ah ee Dumarka ah ee aadka u xanuunsanaya in ay ku laabato dalkeeda hooyo si ay u gaarto qoyskeeda.
Waxaan rajaynaynaa Codsigaan furan in ay Tixgaliso Safaaradda Soomaaliyeed, sababtoo ah qofna ma jecla Hooyadii oo xanuunsan oo sariir saaran in lagu adkeeyo Ijraa’aadka.
Hussein Sahnuni