Al-Shabaab oo Madaafiic Hoobiyaal ah ku weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo saqdii dhexe ee xalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha Garoonka diyaaradaha.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa madaafiic Culus oo ku dhaceysa agagaarka Garoonka Dhuusamareeb, waxaana tirada madaafiicda la maqlay lagu sheegay ku dhawaad 18 madfac oo qaarkood ku dhacay gudaha garoonka.

Ciidanka AMISOM ayaa Jawaab ka bixiyay madaafiicda lagu weeraray, waxaana kuwa ay tuureen Ciidamada qaar ka mid ah ay ku dhaceen waddo ku dhow garoonka, iyadoo intaas kadib rasaas goos goos ah la maqlayay.

Dhanka kale Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ku aadan weerarka.