Xeerka doorashooyinka Maamulka Somaliland oo la ansixiyay.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa si buuxda ku Ansixiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha oo horay uu ugu soo gudbiyay guddiga doorashooyinka.

Fadhiga lagu Ansixinyay waxaa ka soo Qayb galay 53 Xildhibaan waxa ogolaaday 49 mudane, laba Xildhibaan waa diideen,Hal Xildhibaana waa ka aamusay sidaasi ayuu kaga Gudbay Golaha Guurtida Somaliland.

Golaha guurtida Somaliland ayaa dhowr jeer walaac ka muujiyay in aan la soo dedejin sharciggaan, Xeerkan ayaa ka soo Gudbay Golaha Wakiilada Somaliland una Gudbaya Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si uu u saxiixo.