Tigreega oo dalbatay in xubnaha ugu jira dowladda dhexe ee Itoobiya inay iscasilaan.

TPLF Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigreega ayaa xubnaha ku magaacaban xilalka dowladda dhexe, golayaasheeda wakiillada shacabka iyo golaha Federeeshinka ku amray dhammaantood iney iska casilaan xilalka ay ka hayaan dowladda dhexe.

Kulan ay sheegeen ayay ku sheegeen in qorshahaan uu yahay mid loogu tala galay in Tigreega ay dhammaan uga baxdo dowladda Federaalka ah.

Xubin ka mid ah guddiga fulinta oo lagu Magacaabo Getachew Reda ayaa sheegay mudda xileedka baarlamaanka dalka Itoobiya loo doortay inuu ku ekaa maalinti shalay, dowladdi uu baarlamaankaasi dhisay iyo xukumaddi uu magacaabay intaba muddo xileedkooda uu ahaa shan sana oo keli ah uuna dhammaaday.

“Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha labada aqal ku matala deegaanka Tigreega kama aysan qayb gelin” ayuu yiri.

“Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri.