Laba kun oo Soomaali ah oo helay mashruuc shaqo abuur ah oo ay fulisay Hey’ad Mareykan ah.

Maamulka Safaarada Mareykanka ee fadhigoodu yahay Dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruuc shaqo abuur ah oo ay taageeraayeen ay ka faa’iideysteen Dad Soomaali ah oo aad u badan.

Mashruucan oo ay fulineysay heyada Mareykanka laga lee yahay ee USAID ayaa ahaa taageerida shirkadaha ka ganacsatada kaluumeysiga iyo iibinta cuntooyinka badda laga soo saaro.

Safaaradu waxa ay tilmaantay in in ka badan 2000 oo qof ay barnaamijkaan ka heleen shaqo buuxda oo joogto ah.

Marshruucaan aya sare u qaaday shirkadaha ka ganacsatda wax soo saarka badda waxaana ay abuurtay fursad shaqo.