Faah faahin ku saabsan Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray Degmada Baardheere.

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Xubno ka mid ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga ay degan yihiin Ciidanka Dowladda gaar ahaan Ururka 49-aad ee ku sugan Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana weerarka qaarkood ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Dhanka kale ma jirto cid weli xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalka Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,.