Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo laga qaaday Dhagxaantii lagu xiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xalay qaaday dhagxaanta ay horay ugu xirtay qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen dadka Shacabka ah.

Goobaha Dhagxaanta laga qaaday ayaa waxaa kamid ah, Isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer oo dhamaantood ka tirsan degmada Hodan iyo dhagxaan taallay meel u dhow Isgoyska Danwadaagaha ee degmada Wadajir.

Dowladda ayaa muddo hadda laga joogo wax ka badan laba sano waxay sababo amni dartood dhagxaan waaweyn ugu xirtay wadooyinka jid cadayaasha ah iyo inta badan Isgoysyada wallow weli dhagxaanta ay yaalaan wadooyinka jid cadayaasha ah.

Dhanka kale dowladda ayaa qorsheyneyso in sidoo kale dhagxaanta ay ka qaado wadooyinka iyo Isgoyada kale ee Muqdisho si Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay si caadi ah u maraan.