Dhacdo yaab badan: Askari laga afduudtay Xaaskiisa oo isna afduubtay xaasas ay qabaan Saraakiil Shabaab ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu waramay inay gaari ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday Beledwayne ay kala dageen marwada u dhaxda askari ka tirsan ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Haweenaydan magaceeda aan wali lasoo bandhigin ayaa la fahansan yahay in ay wadatay cunug yar oo aan wali la ogaan jinsigiisa wiil ama gabar.

Sidda ay muujinayaan warbixinada dhanka ammaanka, afduubkan ayaa ka dhacay degaanka Mokoyle oo duleedka ka ah xarunta gobolka Hiiraan.

Askariga qaba haweenayda iyo cutubyo kale oo ka tirsan ciidamadda Beledwayne ayaa lasoo wariyey in ay aargoosi ahaan xabsi u dhigeen xaasaska dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo ku nool magaaladdaas.

“Dhacdadan waxay lasoo tabiyey todobaadkan. Haweenkaas u dhaxa Al-Shabaab waxay xabsi ku qaateen dhowr habeen kadib waa lasii daayey kadib dedaalo ay sameeyeen maamulka degmada iyo gobolka,” ayuu yiri sarkaal.

Maamulka gobolka Hiiraan oo ku guuldareystay in uu sharaxo sababta xaasaska xubnaha Shabaab loosii daayey ayaa ku gaabsaday “waa haween”.

“Haweenayda afduuban illaa haatan lama ogga meesha la geeyay. Balse, waan hubin doonaa. Sidda loogala degay baabuurka iyo cidda farmuuqdey waa wax wali su’aal ka taagan tahay,” ayuu yiri maamulkan oo la hadlay GO.

Ma cadda illaa hadda sababta dhabta ah ee loo qafaashay haweenayda cunuga sidatay. Balse, waxa kaliya ee la hubo waa in ay tahay afada askari dowladeed.