Xaflad lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka dhacday Nairobi

MUQDISHU:-Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay Ra’isul wasaaraha XFS, ayaa lagu qabtay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kasoo qaybgalay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ganacsatadda, waxgaradka, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Munaasabaddan oo si wayn loogu taageeray Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale bogaadin iyo dardaaran laagu diray Ra’isul wasaaraha, oo dhanka qadka taleefanka kaga qaybgalaayay munaasabadda.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka 1-aad ee Safaaradda Mudane, Suudi Saciid Suudi, ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta iyo taageeradda loo sameeyey  Ra’isul wasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu sidoo kale guul u rajeeyey Ra’iisul waasaraaha cusub ee Soomaaliya.

Ra’isal wasaaraha XFS, mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo qadka taleefoonka kaga qaybgalay munaasabadda ayaa dhankiisa u mahadceliyey jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo soo qaban qaabiyay xafladdaasi qiimaha badan.