soow ii Ajaray!!!.=Faallo=

Saaxiibkeey ayaa igu yiri: Shalay, Ra’iisul wasaaraha cusub waxa uu yiri: Jid la ii xirayo ma jiro, sidii dhacday 3 Maalin ka hore markuu Xalane aadayay.
Laakin Maanta oo uu safarkii ugu horeeyay uu dibadda ku aadayay oo weliba aheyd Maalin aad u kulul, Wadooyinka meel fog ayaaba laga sii xiray, in aan Gurigeeyga tago waxa ey Bajaajkii iyo intii aan lugeeynayay ey igu qaadatay 3.5 Saac. ( F.S: 1,2, 3aad)
Dadka maanta Dhidid, Daal ,Dayac, uma yareeyn, mid inkaartamo iyo Mid ku calaalacalo maanta maxaa Gurigeeyga iga soo waday kuleeylkaan, waxaan aad uga naxay Curyaamiinta Kuleeylkaa Laamiga ku garguuranayay. Berrina waxaa imaanaa oo Jidka loo xiraa kii ka weynaa Ra’iisul wasaaraha, ayeey lahaayeen Dadku. Culeeyska iyo Rafaadka waxaa dareemi Kara Qofkii goob joog ahaa Maanta. war Shacabka ha loo naxariisto.
Waa sax Formulada .2Y= ( 4x +3m+Z). Fulay nimada Madaxda + Amaan darida Magaaladu= waxaa looga cabir qaada karaa , 4( Rafaadka Shacabka) + 3(inta Saacadood ee Jidka loo xiro Madaxda ) +Z.
Madaxda Jidka loo xiro waxaan ka codsaneeynaa in ey naga yareeyaan baaxaadda Aaga loo xiro iyo Saacadaha Jidku u xirnaanayo, Nabadgalyo xumo waa jirtaa inkiri meeyno oo Fulanimada Madaxda, iyo Bullet proof- ka iyo tirada Ciidamada Madaxda wadooyinka u xirto oo ka badan tirada Ciidamada Habeenkii ilaaliyo Nabadgalyada degmada aan deganahay ayey ka muuqataa.
Meeqa Qof oo iga liidato ayaa Rafaadkaa maanta ila wadaagtay, Shacabka haloo naxariisto.
Qore: Yahay Amir.