Khalid Jamac ”Sidee ayay ummadda Soomaalida ee degen Bristol ula tacaashey cuduka Covid-19…”

Xanuunka Covid-19 waxa uu saameeyey dhammaan bulshada adduunka isaga oo aan u kala eegeynin, da’dooda, midabkooda iyo sharafkoodaba. Sidaa darteed Soomaalida ku dhaqan waddanka Ingiriisku waxa ay ka mid yihiin bulshooyin kaasi uu sida xun u saameeyey ee ka soo jeeda qoomiyadaha kala duduwan ee ku dhaqan waddankan.

Arintaas ayaa bahda somaliweyn u suurta gashay in aan tafaftiraha Kobciye oo degen magaaladdasi aan ka wareysano sida uu u saameeyey Soomaalida degen Bristol.

Waxaa inoo soo wareysatay Wariye Fahma Muhumed oo ka tirsan bahda somaliweyn Gothenburg Sweden.