Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Degmada Owdheegle ee G/Sh/Hoose.

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab wuxuu ku dhex-maray duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye & Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac uu dhex-maray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada dowladda dagaalka, kadib ay sii wateen socdaalkooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 9 Askari, sidoo kalena ay gaari gubeen, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xqaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.