Wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle oo la kulmay madaxda ugu sareysa AMISOM.

Muqdisho:- Wasiirka Amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Kheyre ayaa magaalada Muqdisho Kula kulmay  Danjire Francisco Caetano Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee u fadhiya Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM General Ndegeye.

Labada dhinac ayaa kulanka xoogga ku saaray  howlgalada ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab laguna xaqiijinayo amniga deegaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale, Wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo General Ndegeye ayaa isla soo hadal qaaday amniga doorashooyinka Hirsahabeelle iyo sidii loo sugi lahaa.

Maamulka Hirshabeelle ayaa galaya marxalad doorasho, maadama muddo xilleedka dastuuriga ah ee maamulka uu dhow yahay.