Ra’iisul Wasaare Rooble oo saacadaha soo socda ku dhawaaqi doona liiska golaha wasiirada cusub.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheeyay inuu ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirada cusub ay u badan yihiin xukumadiii xasan Cali Kheyre, kuwaasi oo weli howshooda wata.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waday wadatashiyo uu la qadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale Liiska golaha wasiirada ayaa waxaa ka soo dhex muuqan doona wasiirada hore iyo kuwa cusub, waxaana qorshuhu ku dhawaaqida yahay 48 saac ee socota.