Minnesota :Tirada Dadka Soomaalida ee doonaya kuraasta Golaha Deegaanka oo kordhaya.

Cabdullaahi Cabdulle oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed aqoon-yahannada ah ee wax ku bartay dalka mareykanka ayaa isu soo taagay ka mid noqoshada Golaha deegaanka Magaalada New Brighton ee Gobolkaasi Minesoto.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka gaar’ahaan Gobolka Minnesota ayaa sannadahaan lagu dhex arakaayey in ay ka dhex muuqdaan bulshada ay la nool yihiin,waxayna Gobolka ka soo hooyeen guulo waa wayn oo ay ku mataysteen ammaan & magac.

Wakiilka war-baahinta Qaranka ee dalka Mareykanka Abdihakim Abdi Ismail, waxaa kale oo uu soo gudbiyay in ay kordhayaan Dadka Somaliyeed ee isu soo taagaya hannashada kuraasta Golaha Deegaanka magaalooyin hor-leh oo ka tirsan Gobolka Minnesota.