Dhaqdhaqaayo Ciidan oo saakay laga Dareemayo Deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka aan ka helayno gobolka shabeelaha hose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamda dowlada faderaalka Somalia saakay Howlgalo qorsheysan ka wadaan deegaano iyo degmooyink ka tirsan goblkaasi Sh/Hoose.

Ciidamadaan ayaa waxa la sheegay in aroornimda saakayba ay ku jarmaadeen tuuloyin iyo deegaano hoos yimaada gobolka shabeelaha hoose gaar ahaana deegaanka Buulo mareer

Howlgaladaan inta ay socdeen waxa ay wararku sheegayaan in iska hor imaad uu halkaasi ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan iyo ciidamada dowlada balse aan wali la xaqiijin qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi

Saraalkii ka tirsan ciidanka xooga dalka eek u sugan deegaanka buulamareer ayaa waxa ay simba usheegeen in howlgaladaan ay yihiin kuwa ay ku doonayaan in alshabaab ay kaga saaran deegaanka buulamareer iyo deegaanada kale ee hoosyimaada

Sidookale sarakiisha horaaminasay howlgalada ka dhacay gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonan howlalada ka dhanka ah alshabaab

Wararkii ugu dambeeyay saakay naga soo gaaraya deeganka buula mareer iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowlada ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan halkaasi.

Maamaamihii aynu soo dhaafnay ciidamada dowlada iyo dagaalamayasha alshabaab ayaa ku dagaalamayay deegaano iyo degmooyin dhaca gobolka shabeelaha hoose

Waxaana xusid mudan in labada dhinac ay guulo ka kala  sheegtaan dagaaladaasi.