Ciidamada Amniga Galmudug oo hawlgal ay ka sameeyeen Hobyo ka ku soo qabqabtay rag amni darro ka waday Deegaankaasi.

Ciidamada Amniga Galmudug oo isugu jira Daraawiish, NISA iyo Boolis ayaa tagey deegaanno hareeraha Hobyo ku yaalla oo maalmihii la soo dhaafay shaqaaqooyin dhul la xiriira uu ka taagnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiyaha degmada Hobyo iyo ku xigeenkiisa, iyo Xildhibaanno barlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa gaaray goobtaas, ayagoo u kuurgalay sidii ay wax u dhaceen, sidoo kale ciidamada amniga ayaa halwgalladoodii Magaalada Hobyo uu weli meeshiisii ka sii socdo.

Dadweynaha Hobyo ayaa soo dhoweeyey mas’uuliyiinta iyo ciidamada Amniga ee hawlgallada Hobyo ka wada, ee lagu qabqabtay kooxo amni-darro waday iyo kuwa kale oo ka ganacsada maandooriyaha.

Degmada Hobyo ayaa laga dareemayaa isbedel weyn iyo xasilooni kadib markii la qabtay toboneeyo ka mid ah kuwii amniga magaaladaas dhibka ku hayey, qaar kalena lagu soo warramayo In halkaas ka soo carareen.