Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ooisku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya, in  halkaasi lagu soo bandhigay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sarkaalkan Shabaabka ah ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool Waxaana magaciisa lagu sheegay Aadan Cabdow Xareed

Taliyaha Ururka 51 ee guutada sagaalaad Deyrow macalin Cabdi iyo Taliyaha qeybta booliska gobolka Bakool  Cabdullaahi Xasan Cabdullaahi ayaa sheegaya in sarkaalkan uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda, isla markaana Al-Shabaab ku biiray waqti hore.