Muslimiinta India oo haatan qaba cabsi aan hore u soo marin!!!.

Soddon sano ku dhawaad iyo 850 markhaati ah, 7000 oo dukumenti, sawirro iyo muuqaalo duuban oo la hor keenay ka dib, ayaa maxkamad ku taal dalka India cidna ba ku weyday dembi ah inuu gubay masaajid la dhisay qarnigii 16-aad oo ay kooxo Hindu ahi weerareen oo ku yaal magaalada [Hindu-ga u] barakaysan ee Ayodhya.

Eedaysanayaasha waxa ka nool 32 qof oo uu ku jiro ra’isal wasaare ku xigeenkii hore ee dalka LK Advani iyo dhawr hogaamiye oo ka tirsan xisbiga BJP. Arbacadii ayaa maxkamaddu dhamaantood dembi ku weyday, waxaanay sheegtay in burburka masaajidka ee 1992 dhacay ay ka dambeeyeen “qas wadeyaal” aan la garanayn sidoo kalena ahaa weerar aan qorshaysnayn.

Go’aankaas ayaa soo baxay iyada oo la hayey maragyo badan oo lagu kalsoonaan karo oo caddaynaya duminta masaajidka. Weerarkaas oo socday dhawr saacadood ayaa la sii qorsheeyey laguna fuliyey iyada oo aan ciqaab laga cabsi qabin oo ay qaar ka mid ah boolisku gaadh ka hayeen iyadoo kumanaan qof daawanayeen.

Sannadkii hore ayaa Maxakamadda Sare ee India waxay qirtay in arintu ahayd “fal badheedh” ah kuna tilmaantay “in si qaawan loogu tuntay sharciga”.

Hadaba xukunkan muxuu ka dhigan yahay?

Guud ahaan xukunkan waxa loo arkayaa inuu marag u yahay dhaliisha ah in garsoorka India yahay mid fowdo ah. Dad badani na waxay ka cabsi qabaan in xukunkani dhaawac aanu ka soo waaqsanayn gaadhiisyey sababtuna tahay faro galin qaawan oo siyaasadeed oo tobanaan sano ku socotay iyo sidoo kale miisaaniyad yaraan iyo aqoon darro.

Waxa se usii gaar ahi waa in xukunkani sii muujiyey gacan bidixaynta sii kordhaysay ee haysata 200 milyan ee Muslimiinta dalkaas ah.

Intii ay talada haysay xukuumadda uu hogaamiyo Narendra Modi ee xisbiga BJP, Muslimiintu waxay dareemayeen in cadaadis hor lihi fuulay iyo dulayn aanay hore ugala kulmin taariikhda xisbigan wadaniga xag jirka ah ee hogaanka u haya India oo lagu tilmaamo inuu ahaa dalka ugu weyn ee dimuqraadiyadi ka jirto dunida tan iyo markii uu xorriyadda qaatay 1947.

Kooxo ayaa dad Muslimiin ah ku dilay in ay cuneen hilib lo’aad awgii taas oo Hindu-ga u barakaysan. Xukuumadda Modi ayaa sidoo kale wax ka bedeshay sharciyada dalka si ay ugu fududaato qaxootiga aan Muslimiinta ahayn ee wadama deriska ka soo qaxay in ay heli karaan jinsiyadda dalkaas. Waxay sidoo kale xukuumaddu laba u kala qaaday gobolka Jammu iyo Kashmir oo aqlabiyadiisu ay Muslimiin yihiin waxaanay sidoo kale laashay sharcigii xukun hoosaadka ee gobolkaas lagu dhaqi jiray.

Sannadkan ayaa Muslimiinta waxa si gaar ah loogu eedeeyey in ay iyagu sabab u yihiin oo ay fidinayaan fayraska korona ka dib markii xubno ka tirsan jamciyad Muslimiin ahi ay kulamo diimeed ku qabteen magaalada Delhi. Hase yeeshee isku soo baxyada ballaadhan ee dadka haysta diinta Hindu-ga ee aqlabiyadda ah ayaan sidaas oo kale loo siyaasadayn ama aanay warbaahintu wax eed ah u jeedinin.

Muslimiinta India waa 200 milyan

Intaas uun maaha. Ardayda Muslimiinta ah iyo intooda u dhaqdhaqaaqa xuquuqdooda ayaa la xidhxidhay iyada oo lagu eedaynayo in ay rabshado kiciyeen markii xukuumaddu soo saartay xeerka muranka badan dhaliyey ee jinsiyadda, halka Hindu-ga qas wadayaasha ah aanay iyaga cidiba waxba u raacan. Xukunkan maxkamaddu ka soo saartay masaajidka Babri ayaa Muslimiin badani ku sheegeen inuu yahay uun dullayntii lagu hayey oo sii socota.

Dareenka ah in dalka laga xigsanayaa waa xaqiiq jirta. Xisbiga Modi ayaan qarsan in uu aaminsanyahay sarraynta aqlabiyada Hindu-ga. Xarumaha warbaahineed ee arintaa taageersani iyaguna si badheedha ayay Muslimiinta u takooraan. Xisbiyadii beryaha qaar awoodda badnaa ee ka jiray gobollada India oo Muslimiinta difaaci jiray ayaad haatan moodaa in ay garabkooda ka baxeen.

“Muslimiintu xaqiiq ahaan kalsooni kuma qabaan nidaamka jira. Waxay dareemayaan in la colaadinayo waxaanay rumaysan yihiin in xisbiyada siyaasadeed ee India, warbaahinta iyo hay’adaha dawladduba ay cidlo dhigeen” ayuu yidhi Asim Ali oo ah cilmi-baadhe ka tirsan mac-hadka Centre for Policy Research ee ku yaal Delhi.

Tirada caruurta [Muslimiinta ah] ee dugsiyada la qoraa way badnayd laakiin waxa aad iyadna u badan ardayda iskuulada ka tagayay sababta ugu weyni na waxa weeyi takoorka dhaqaale. Wakiilada Muslimiinta ee baarlamanka India si joogto ah ayay isu soo dhimaysay oo haatan waxay ku leeyihiin in ka yar 5% aqalka hoose ee baarlamanka halka ay markii hore ka ahaan jirtay 9% sannadkii 1980. Laakiin markii xisbiga BJP talada qabtay sannadkii 2014 waxay ahayd markii ugu horraysay ee xisbi aan xildhibaan Muslim ahi ku jirin ku guulaysto doorashada.

Muslimiin ka mudaharaadaya sharciga jinsiyadda

Modi iyo jaalkiisu waxay si joogto ah u sheegaan in xisbigoodu aanu diimaha takoorin. Ra’isal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu taageero ka helo dalal badan oo Muslim ah, barnaamijkiisa taakulada ee kharashka badani ku baxo na ay ka faa’iidaan dadka saboolka ah ee India oo dhami, iyada oo aan loo eegayn diintooda iyo dabaqadda ay ka tirsanyihiin toona. Sanado badan ayaa BJP wuxuu ku eedaynayay xisbiyada qaba aragtida Liberal-ka ee mucaaradka ah kuwo “ku gabbanaya cilmaaniyadda”.

Dadka qaar baa rumaysan in wax ka jiraan eeddaa. Waxaanay tusaale u soo qaataan xisbiga Shuuciga ah ee xukumayey gobolka Galbeedka Bengal ee dhanka bari ee India ku yaal mudo soddon sano iyo dheraad ah ay afka baarkiisa uun ka ahayd cilmaaniyadda iyo xaqiijinta ilaalinta iyo nabad gelyada Muslimiinta oo qiyaastii rubuc ka ah bulshada dalkaas.

Hase yeeshee arintu wada quus maaha. Waxa jira oo soo kacaya dhalinyaro aftahan ah oo dabaqada dhexe ku jira oo aan ka gabbanayn kala qaybinta jirta. Mudaharaadadii baahay ee lagaga soo horjeeday sharciga jinsiyadda, ayaa waxa ka qayb galay tiro badan oo ka mid ah raggaa iyo gabdhahaa Muslimiinta ah ee aftahanka ah oo dariiqyadi magaalooyinka India ku muujiyey in aanay waxba ka jirin fahamka qaldan ee ah in bulshadaasi wada tahay xaabo aan cod lahayn.

Waxa bilaabmay kulamo tacliineed oo heer bulsho ah oo lagu tabobarayo dhalinyaro Muslimiin ah oo ku tartamaya imtixaanada lagu helo shaqooyinka dawladda ee magaca leh. “Dhalinyarada Muslimiinta badankoodu waxay cidda ay yihiin ku muujiyaan astaamo ay gacmaha ku xidhaan oo ay si togan ugu muujinayaan in aanay ka baqayn in ay ra’yigooda cabiraan” ayuu yidhi Asim Ali.

Mudaharaaddo muddo dheer ka socday Delhi oo lagaga soo horjeedo takoorka ayaa waxa hormuud u ah haweenka Muslimiinta ah

Laakiin guntii iyo gabogabadii, xukunkaa ah in eedaysanayaasha dembi lagu waayey wuxu Muslimiinta India ku sii xoojinayaa uun walaacii ay qaybeen. “Siyaabo badan markaad u eegto, waa bulsho la takooray. Waxa jira dareen ay qabaan oo ah in aanay awood lahayn. Muslimiinta waxa dhibaato sannado badan ku hayey hogaamiyeyaashooda iyo kuwa Hindu-ga labadaba ee ku jira xisbiyada oo dhan” ayuu yidhi Zaheer Ali oo ah khabiir culuumta siyaasadda ku takhasusay, waxaanu intaa ku daray “saboolnimaduna way uga sii dartay”.

Xigasho:BBSomali