Ar, kuwa wax dooranayo iyo Shacabkoow, Dhaldhalaalka Ololaha Doorashada iyo waxa ka dambeeyo kala fahma=Nasashada Jimcaha.Q-220=

1.Laba Nin oo Doodayo ayaa Odayaal u yimid, xaajadii markii la galay, ayaa Labadii Nin mid ka mid ahi uu aad u carooday, waxa uu dharbaaxay Nin la socday kii ey Murmayeen. Waxaa lagu yiri: Ninkaani dambi kaama galin, kulamana doodin, ee maxaad u dharbaaxday?.
Waxa uu yiri: waxaan is iri, umuu kani xoogaa ka Samir roonyahay.
( Shacabka Masaakiinta ah ee Xamar joogo , waxa loo dharbaaxayo ameey tahay iyagaa Samir roon).
2-Wiil yar iyo Aabihii oo u socdo Masjidka ayaa wiilkii yiri: Aabe maanta Masjidka hana geeyn, waxaa ka buuxo Shayaadiin. Aabihii ayaa yiri: Acuudu Bilaahi, sideed ku ogaatay?.
Wiilkii ayaa yiri: Aabe Marka aan ku jirno Safka Salaadda, soow ima dhihi jirin, Cirbaha Lugaha isku dhaweeya si aan Sheeydaan dhaxdiina u istaagi. Hadda sidii Cudurka “Corona Virus” u yimid soow lama dhihin, kala sikada Hal Mitir, meeqa sheeydaan ayaa na kala dhax gali karto, soow ma dhici karto in Coronaha loogu talagalay in Muslimiinta Cibaadadooda lagu yareeyo ,Sheeydaankana fursad la siiyo. ( F.S: 1aad).
( Aabihii ayaa yiri: Wiilka yar warkisu shaki ayuu igaliyay, Aniga oo safka Salaada ku jiro ayaan ka shakiyaa Qofka dhinaceeyga ah oo Hal Mitir iga fog, Amaa Coronaha loogu tala galay in Muslimiinta la kala fogeeyo, Federaalkana loogu tala galay in Somalida lagu kala fogeeyo).
3- Wiil Ciyaalka Xaafadda ah ayaa u yimid Nin Shiikh ah, kuna yiri: Sheekhoow, Mobile –keyga waxaa ka buuxo Sawirado iyo Video wada ah Anshax xumo, waxaan goostay in aan iska wada tirtiro oo aanan Maanta kadib Daawan, Dambigii horena aan ka toowbad keeno.
Shiikhii ayaa ku yiri: waa Go’aan wanaagsan, Dambigii horena Alla ha kaa cafiyo, ee waxaan ku weeydiiyay ma Sawiradii iyo Video-yadii horaa mise waa kuwii dambe. Wiilkii ayaa yiri: waa kuwii dambe. Shiikhii ayaa yiri: inta aadan tirtirin ii soo tuur si aan u hubiyo in ey yihiin kuwii dambe.
( Maxaa Taliye dheexaa uu Tuug ku yiri: waxaad gashay Dambi weyn, hadiiba aad soo xaday , hanti islaamed, hadda iska keen,Annigana igu soo wareeji iskana bax).
4- Wiil Geel jire ahaa oo Baadiyaha Geel ku ilaalinayay ayaa Gabar kufsaday, qeyladii ayaa waxaa ku soo baxay Wiilka Aabihii. Gabadhii ayuu ku yiri: Gabarteey aan kuu Duceeyee hana ceebeeyn oo Qofna ha u sheegin, haddii la ogaado Adiguna waad ceeboobee, Annagana Qaalin Geel ah ayaa nalaga qaada sida Caadadu tahay, Geel bandanna ma qabno.
Gabadhii ayaa diiday, Codsigii Odaygu uu ku soo celceliyay. Odaygii ayaa Maradii uu duubnaa iska furay, Wiilkiisiina ku yiri: Wiilkeeygoo, Marada ii qabo, marba hadaan Geel noo badbaadeeyn Anna aan Markeeyga dhanaansado. Gabadhii ayaa ku Qeylisy, Adeer waan qarinaa waana iska cafiyay intii Labadiinu aad i wada kufsan leheydeen. ( F.S: 2aad)
( Garta kufsiga ee Magaaladu beryahaan ma fiicnee, ma waxaa soo galay wiilkii Geel jiraha oo Ciidan Noqday, iyo Aabihii oo Qaali Noqday).
5-Sannadkii 2025 ayaa Gabar yari Hooyadeed ku tiri: Hooyo Aabaheey kumuu ahaa? waxa ey ku tiri: Ma xasuusto waxaad Calool gashay Sannadhii Coronaha oo wajiyada Ragana “Face mask” ayaa ku xirnaa. ( F.S: 3aad).
( Amaa Somalidu is weeydiisaa, horta heshiiskaan yaa noo saxiixay, oo la yiraa: ma ogin waxay ahayd waqtigii Tiiha iyo Tala xumada).
6- Baadari kenyaan ahaa oo Dadkiisa wacdinayay ayaa yiri: Nin ayaa dhintay, kadibna waxa uu tagay Qiyaamihii. Waxaa lagu yiri: Maanta Nasiib ayaad leedahay, waa maalin aan la is xisaabineeyn, Jannada iyo Naarta labadaba soo arag , tii aad Doorado ayaa laguu dhaafayaa, waa fursad qaaliya oo nadir ah. Waxa uu yiri: Naarta ha la iigu hor mariyo.
Naartii markii oo tagay ayuu ku arkay sheeydaankii oo si fiican u labisan oo aan leheeyn Dabadii dheereed iyo Labadii Geesood oo Ragga kaniisadu ku sheegi jireen. Waxaa uu arkay dhul wada cagaar ah iyo Miisas ey Cunto badani saaran tahay iyo Rag iyo Dumar Badan oo uu yaqiin oo wada faraxsan, Muskina loo garacayo. Waxa uu yiri: war Ninkii sheedaan ahaay Dambi ayaa laga galay oo xumaan uuna leheeyn ayaa nalooga sheegay.
Kadibna waxa uu tagay Jannadii waxa uu ku arkay Wabiyo Durdurayo, dhul cagaar ah, wixii aad dalbato oo laguu keenayo, Dad qofba uu ku mashquulsan yahay Nimcada la siiyay, Laakin Dadkii uu yaqiin Halkaa waa ku yaraayeenn.
Waxaa lagu yiri: hadda xulo Janno iyo Naar, tii aad ku waari laheyd. Waxa uu yiri: Naarta ha la i geeyo. Markii uu tagay waxa uu arakay Dhul qalal ah Dadkii oo wada gubanayo iyo Sheeydaankii oo Daba dheer iyo geeso leh. Sheedaaynkii ayaa ku yiri: soo dhawaaw .
Ninkii ayaa ku yiri: war halkaani soo ma aheyn ,halkii aan idiinkugu imid oo aad raaxada ku jirteen. Sheeydaankii ayaa ku yiri: Haa, waa isla meeshii, Laakin markii aad noo imaaneeysay, Olole Doorasho ayaa noo socday Xildhubaano ayaana sharaxnaa, Dadkana Dhalanteed ayaan u sheegayay, ee Hadda Doorashadii waa dhamaatay ee Xaqiiqda ku soo dhawoow. ( F.S: 4aad)
(Ar, kuwa wax dooranayo iyo Shacabkoow, Dhaldhalaalka Ololaha Doorashada iyo waxa ka dambeeyo kala fahma).
Qore: Yahya Amir