Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad goboleedyada dalka oo weli wada Kulamadooda.

Waxaa weli kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ay Muqdisho uga socdaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulamada ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayaa dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo.

Saacadihii la soo dhaafay kulamadii dhacay ayaa xogaha laga helayo waxay sheegayaan in aad looga dooday Arrimaha la xiriira Magacaabista Guddiga doorashada heer feeraal & Heer dowlad Goboleed iyo sidoo kale Goobta labaad oo lagu qabanayo doorashada Baarlamaanka marka laga reebo Caasimadaha Maamul Goboleedyada.

Wararka la helayo ee hordhaca ah ee soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in madaxda ay isku raaceen Magacaabista Guddiyo saddex ah, kuwaas oo ka Shaqeynaya arrimaha doorashooyinka.

Dhanka kale Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa dib ugu laaban doona degaannadooda si ay latashiyo ula soo sameeyeen Bulshada & Xildhibaannada maamulada si ay u soo Magacaabaan Xubnaha dhinacooda ka socda ee Guddiga doorashooyinka.