Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyey geerida wariye C/qaadir Maxamed Mursal.

Mareykanka:-Alla ha u naxriistee Waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday marxuum wariye C/qaadir Maxamed Mursal oo ahaa rugcadaa Saxaafadeed.

Marxuumka wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee howsha saxaafadda kaga soo shaqeeyay dalka,wuxuuna uu soo maray wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahinno kale.

Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku xanaansanayay Mareykanka oo uu kunoolaa,ina lilaahi wa ina ileyhi raajicuun.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka,wuxuuna alle uga baryay in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.