Maamulka Amniga Balad-xaawo oo wareejiyay Gaari ay Al-shabaab ka dhaceen dad rayid ah.

Gaari nooca zuzuki ah oo markii hore Al-shabaab ay dad shacab ah uga dhaceen duleedka tuulada Barwaaqo ee gobolka Gedo ayeey ciidamada amnigu gacanta kusoo dhigeen.

Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo arrintaan ka warhayay ayaa dagaal ay argagaxisada kula galeen deegaanno hoos yimaada Beled-xaawo waxey gacanta ku soo dhigeen gaarigaan oo maleeshiyada Al-shabaab in muddo ah ay ka heysteen dadki lahaa.

Gaariga ayaa marki laga dhacayay dadki lahaa wuxuu kusii jeeday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo,waxaana maanta laamaha amnigu ku wareejiyeen dadki lahaa.