Dadka ku barakacay duleedka Baladweyne oo loo sameeyay adeeg biyo dhaamin ah.

Wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha dowladda federaalka  iyo Wasaaradda Tamarta
Hirshabelle ayaa bilaabay biyo dhaamin loo  sameeynaayo ilaa 4 kun oo qoys oo ku barakacay duleedka Magaalada Beledweyne.

dadkaan oo ay saameeyeen fatahaadda wabiga Shabeelle ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ay yihiin kuwa danyar ah oo aan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha.

Isku duwaha Wasaarada Tamarta iyo Biyaha ee Hir-Shabeelle Cawil Maxamed Jibriil,ayaa sheegay in howsha biyo dhaaminta ay socon doonto muddo bil a.

Qaar kamid ah dadkii ka faa iday ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan islamarkaana ay ku farax san yihiin dadaalkaasi