Dab ka kacay goob ganacsi oo ku taal Dhuusa mreeb oo lagu guuleystay in la damiyo.

Samareeb:-Dab Khasaare Hantiyadeed gaystay ayaa ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taala Bartamaha Magaalada Sama-reeb ee caasimadda Galmudug, waxaana lagu guuleystay saacad iyo bar ka dib in la damiyo balse waxaa ku burburay Hantidii goobta taalay, maadaama aanu jirin adeeg dab-damis oo deg deg gurmad u samayn kara, sida uu soo wariyey wariyaha SONNA ee magaaladaas.

Bulshada magaalada ayaa dadaal badan ku bixiyey inay damiyaan dabka, si uusan ugu sii fidin goobaha ganacsi ee kaalinta Shidaal ku dhaw, waxaana ay isticmaalayeen biyo iyo aalad kasta oo u fududeyn kartay inay dabka damiyaan.

Waa markii Sadaxaad ee kaalimaha Shidaal ee Magaalada ku yaal uu Dab ka kaco, waxaana dhowr kulan oo ganacsatadu yeesheen uga hadleen sidii lagu heli lahaa Dabdamis, balse wali ma suuragalin Arinkaasi.