Taliska Xoogga dalka oo sheegay in howlgal gaar ah lagu dilay maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Muqdishu:-Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab,gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay  degaanka Leego ee gobolka Shabellada Hoose.howlgalka uu ahaa mid qorsheysan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la Hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa Sheegay In ciidamada Danab ay xalay Saqdii dhaxe ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellada hoose.

S/guuto.Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 7 ka tirsan nabadiidka Al-shabaab ,kuwaasi oo dadka ku dhaqan leego ka qaadi jiray lacago baad ah.