Guddoomiye Cumar Filish oo kulan la qaatay Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya+Sawirro

Muqdishi:- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageeridda mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda, gaar ahaan dhaqaalaha, dib-udhiska iyo horumarinta nolasha dadka Barakacyaasha ah

Guddoomiye Cumur Filish wuxuu Safiirka u faahfaahiyay horumarada ka socda caasimadda iyo sida dadka reer Muqdisho ugu heellan yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa kaabayaashii dhanka arimaha bulshada sida waddooyinka iyo adeegyadii waxbarashada iyo caafimaadka.