Baarlamaanka FS oo kulan ka Yeelanaya Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro, lagana doonayo inay kasoo qeyb galaan, maadaama lagu guda jiro kulamadii ugu dambeeyay ee muddo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulankaas dhacaya ayaa wuxuu yahay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Dowladda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiin doona sida qorshahu yahay Hindise sharciyeedka Qaxootiga, waxaana kulankaas uu furmi doonaa saacadaha soo socda.

Dhanka kale Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay Dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahan yahay in dhameystiro.