Military-ga kenya oo dad hor leh ka kaxeystay degaan ka tirsan Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ay mar kale dad Shacab ah ka kaxeysteen degaano ka tirsan degmadaas.

DadkaDeegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in ilaa Afar Ruux ay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kenya u qaabilsan waxa loogu yeero argagaxisada ay ka kaxeysteen degaanka Daaru-salaam meel u dhow Tuulada Kuntun, isla markaana la la’yahay halka ay la aadeen.

“Ragga ay kaxxeysteen Ciidamada Kenya Afar qof oo mootooyin watay ayay ahaayeen,waxaa ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa daaru-salaam iyo Kuntun, mootooyinkii waa ay ka qaateen waana ay wateen” ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool degaanka daaru-salaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dadka ay Ciidamada Kenya kaxeysteen oo ehelladooda ay baadi-goobayaan ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdifitaax Diiriye Qorane, Cabdullaahi Cali Dhicis iyo Maxamed Ibraahim Afeey.

23-kii Bishaan ayay aheyd markii Ciidamada Kenya ay degaanka Yadoo oo hoostaga degmada Ceelwaaq ku dileen hal Ruux halka Saddex kale ay kaxeysteen oo mid kamid ah ay markii dambi dileen soona dhigeen medykiisa duleedka degmada Ceelwaaq.

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dadka Ciidamada Kenya ay dileen qaarna ay kaxeysteen ayaa u saaray Guddi ka kooban Shan Xubnood, si ay u soo baaraan falkaasi, balse mar kale ayay Ciidamada Kenya dad horleh kaxeysteen.