Golaha Shacabka oo Berri ka doodaya Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Muqdisho:- Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah waxaa ay ka doodi doonaan sharciyo dhowr ah.

Kulanka berry ayaa ah kulan weynaha golaha waxaana ajandayaasha ay kala yihiin .

Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Dowladda Soomaaliya .

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Guddoonka golaha shacbka ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay Dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro.