AR UNUNKAA YAABNAY!!!.

  1. Waxaa la filayay sida Sharcigu qabo in haddii Ra’iisul Wasaare Xil uu wareejinayo uu ku wareejiyo RW kale, hadii uunan dhiman, Xil wareejiyuhu.

2. Waxaa la filayay Haddii RW Xilka laga qaado in uu sii hayo Xilka , illaa laga magacaabo RW hii bedali lahaa, mudadaa kala guurka ahna, RW hii Hore Awoodihiisana la dhimo, shaqa maalmeedkiisii oo kaliyana uu sii wado.

  1. RW Baarlamaan Ansixiyay ee loo dhaariyay Xilkaa RW oo kaliya ayaa ku wareeji karo RW kale. ku sime Xil la wareegayo ama wareejinayo waa wax ku cusub sharciga, inta uu noolyahay RW hore, Caafimaad ahaanna uu Howsha Xil wareejinta ka qeyb qaadan karo, isagaana wareejinayo, Horena sidaa ayaa la isagu wareeji jiray. ( F.S: 1-3).
  1. Waxaa la yaab ah, in RW hii hore oo nool, oo weliba Magaalada joogo, uu Xilkiisii wareejiyo Nin aan RW ahaan Baarlamaan uunan u ansixin oo aan Xilkaa loo dhaarin markiisii hore. ( F.S:4aad).
  1. Waxaa ka sii yaab badan in RW hore uu leeyahay waxaan Diyaar u ahay in aan wareejiyo Xilka. ( F.S:5aad). lagana diiday.Taa oo macnaheeda loo qaadan karo, Horeba RW uma eheeyn , ma Noolid ama Caafimaad ahaan ma gudan kartid Xil wareejinta. waa hoowl in ka yar Nus Saac si sharaf leh oo sharci ah lagula kala wareegi karo, ma ogi Sababta looga leexday.
  1. Waan soo dhaweeynaa in Xil lala kala wareego, waa arrin Caalamka ka jiro, oo iska fuduud, Laakin waxa aan fahmi waayay, arrin iska fudud oo Qofkii wareejin lahaa iyo kii lagu wareejin lahaa Labaduba ey diyaar yihiin, maxaa keenaya in loo maro waddo dheer oo aan Sharci eheeyn, soow uma eko arrintu : is fiir fiir siyaasadeed, Ciyaal iska Falaadayo, ma Khaladkii aad hore u gashay ayaa xaqiisii soo baxaa, kala waeeeg siyaasaded, wax Sharci ahaan ku fudud in loo maro waddo aan fududeey haddana aan Sharci aheeyn.
  1. War sharcigu waa fududyahay ee hala raaco, hanna leeyska dhaafo ………………., waa iga talo, ha u qaadan Qormadaan in aan Qof ku xumeenayo , hana Siyaasadeeyn aragtideeyda Qofeed.

FG:Wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir