Bal Adiguba ila arag, Adigaa yaabi doonee !!!.

Fiiri warqada lagu sheegay Xeer Nidaamiye ,ee leh Sumadda ( Xeer Lr. 0217092020) kuna taariikheysan ,Sept.20.2020.uuna ku saxiixan yahay wasiirka Maaliyaddu.
Haddii aad ra’yigaaga Aqooneed ka dhiibato wax u muuqdo ku xad gudub sharci iyo dhibaato dhaqaale oo ku dhecee shacabka, haddii aad ka hadashana waxaa lagu leeyahay wasaarad ama wasiir ayaad u dan leedahay, dhibanihii naftiisa ayaa kugu eedeynayo Dantiisa iyo sharciga aad difaacday.
Sharci Darada warqadaan waxaa muujinaya:
1. waa Xeer nidaamin, regulatory wasiirku waxa uu soo saari karaa Xeer nidaamin khuseeyso wasaaradiisa dhaxdeeda oo kaliya, oo saameeyn teedu eyna u gudbeeyn guud ahaan shacabka. Laakin warqadaani waa Degree saameeynteedu u gudbee Shacabka, taana Sharci ahaan xaq uma leh wasiirka Maaliyadu. waxaa isga khaldan Xeer maamul wasaarad iyo Xeer Qaran. Xeer qaran oo xaalad deg dega ah, waxaa soo saari karo golaha wasiiradda, taasi warqadaan kuma qorno, waana in ey ku cadeeyaan sababta loo soo saaray ,iyo in loo gudbiyo soo jeedintaa Baarlamaanka oo ah heyadda kaliya ee xaqa u leh sharci dajinta, Si uu Baarlamaanku u ogolaado ama u diido, haddii ey dowladu qabto baahi Lacageed oo deg deg ah, waa in la cadeeyaa sababta laguna qoraa, la isna weeydiiyaa awooda dhaqaale ee Cashuur bixiyuhu ma saamaxee, sharcigaasi 90 cisho ka badan ku meel gaar ma noqon karo. sharcigaan kuma cado in Gole wasiiro la hor geeyay. taasi waa marka aan ka hadleeynaa haddii ey jirto xaaladdaa iyo Dowlad aan aheeyn Xil gaarsiin ( Care taker).
2. wasiirku waa xil gaarsiiye, Golaha wasiiraduna waa xil gaarsiiya yaal. Dowladani waa ” Care taker” xil gaarsiin Xaqba uma leh in ey soo Saarto Xeer Nuucaan ah. waxaa ka mamnuuc ah Gole wasiiro oo sii socdo in ey soo saaraan 5 sheey oo kala ah.1.Mashruuc Sharci, 2. Magacaabid Guddi madaxbanaan.3. Miisaaniyad qaran. 4. Xisaab xir qaran. 5. magacaabid Xilal sare sida Safiir ama Qunsul inta laga magacaabayo Golihii wasiirada ee Xilka ey ka sii socdaan kala wareegi lahaa.
So fiican u aqri warqadaan Xeer nidaaminta ah ee loo yeelay Awood sharci, Cidda soo saartay oo aan Xaq iyo Awood sharciya u leheeyn soo saarideeda.Xaalada cashuur kordhin oo aan loo qiil dayi karin waqtigaan iyo Doorkii Baarlamaanka oo maqan, dhamaan waxa ey muujinayaan in ey jirto xaalad aqoon la’aan ama in si bareer ah Sharciga loo dhinac marayo. Haddiib cashuurta xatta wax yar lagu kirdhinaa waa in Baarlaamka la marsiiyaa.( F.S: 1, 2 & 3aad)
FG: Haddii aan sidaan ku sii socono,waxaa Agaasimyaasha Maaliyaduna soo saari doonaan. sharci lagu cashuurayo Umulaha haddii ey dhalaan Wiil ama Geber ama Mataano, Aqal galka Arooska ee 7da cisho haddii aadan dhaqsi u soo gabagabeeyn. Cashuur laga qaado Ardayda dhigato Dugsiyada Qur’aanka hadba inta Jus oo ey dhameeyaan.
wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar Aragtidaadu waa muhim.
Qore: Yahya Amir