Taliska Ciidanka Amisom oo Shaaciyay inay Kordhinayaan Dagaalka Ka Dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) Diomede Ndegeya, ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanada Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Taliyaha ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo,wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardrgali lahaa howlgalada lagu baacsanaayo kooxaha nabad-diidka.

Ciidamada Difaaca Itoobiya waxay si rasmi ah ugu biireen AMISOM, kadibna waxay la wareegeen waaxda seddexaad oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka kala socda Uganda iyo Burundi,waxaana ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab ayuu yiri” Gen. Ndegeya.

Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ujooga somalia ee amisom ayaa sheegay in ay kordhinayan howlgalada iyo dagaalka ka dhanka ah al shabaab

Gobollada Bay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.