Qorba joogeey, Beentu Xadeey leedahay?=Nasashada Jimcaha.Q-219=

1-Nin 45 jir ahaa oo Miyiga ku dhashay ahaana Dadkii Magaalada soo galay 1991dii kadib, ayaa la weeydiiyay Xageed ku dhalatay? Waxa uu yiri: waxaan ku dhaldhay Isbitaal Keysaneey ee Degmada Kaaraan. Nin oday ahaa ayaa yiri: Hooyadaa miyaa Maxaabiis aheyd? Dambigeesa lagu soo xiray. Si Caro leh ayuu u yiri: xaa tiri? Waxa loogu jawaabay soo ma ogid in Isbitaal keysaneey 45 Sanno ka hor uu ahaa Xabsi. ( F.S: 1aad).
( Koo Qurbaha ka yimid oo Nooga sheekeey jiray dhibaatadii uu ka maray Tahriibka iyo Libiya, ayaan arkay isaga oo Maalin Dhalinyaro ugu sheekeeynayo waxaan ku dhaldhay London. Hooyadii London maxey ka qaban jirtay Dhalashadiisii ka hor. hadii la weeydiiyo muxuu ku jawaabi lahaa? . Qorba joogeey, Beentu Xadeey leedahay)
2-Wiil Hantiilaa, laakin aan qurux badneeyn ayaa Gabar uu jeclaa, iyaduna wiil kale jecleed ku yiri: waxaan rabaa in aad waalidkaa i barto si aan kuu weeydiisto.
Waxa ey ku tiri: Aan waqti fiican isla qaadano, oo aan ogaano in aan is qanci karno marka hore: Wiilkii ayaa Saaxiibkii oo Ciyaalka Xaafadda ahaa Arrintii u soo ban dhigay. Saaxiibkii ayaa yiri: Doqon Dhooroos ah ayaad tahay, in aad waalidkeed barato oo kaliya soow ma rabtid. Marka hore Gabarta Uureey, kadib Waalidkeed isagaa ku soo raadinayo si uu isku kaa baro.
( Ar Gabareey, Wiilkii ku yiraa, waalidkaa i bar. Bar ama u deeyri, yaana lagu gaadin, waalidkaana welwel ha galin)
3-Nin Reer Gaalkacyo ah ayaa 1970kii Dhaliyaro Xamar Joogto Maalin kasta uga sheekeey jiray,wax yaaba badan oo uu leeyahay Gaalkacyaa laga helaa, waana Magaalo ka ilbaxsan Magaalooyinka kale, dhalin yarada badankeedu weey u riyaaqeen hadalkiisa . Nin oday ah ayaa Maalin u yimid isaga oo u sheekeeynayo Dhalinyaradii. Waxa uuna ku yiri: Waxaan ku weeydiiyay horta Gaalkacyo Ma laga Cunaa Foxfaagin( Volkswagen) iyo Mercedes Benz. Ninkii Reer Gaalkacyooodka ahaa ayaa yiri: war baaa, ma galti ayaad noo maleeysay, Maxaa kale ooba lagu quraacdaa Gaalkacyo….maba ogo in ey yihiin Laba nuuc oo ah Baabuurta Raaxada.
( Wiil ka mid ah Dhalin yaradii ayaa yiri: Abaa kan waa na gaaday. Waa sida Carabtii Xeebaha Dabaasha u dalxiis tageeysay iyaga oo aan Dabaal aqoon. Abbaa, Mexeey ka doonaan Carabtu Xeebaha? Nuursi lee maahino. Kii Reer Gaalkacyoodkii oo is hilmaamay ayaa yiri: Xeeba Gaalkacyo meey tagaan Carabtu) ( F.S:2aad)
4- Nin Wasiir ahaa oo Makhaayad fadhiyay ayaa yiri: Shatigii aan ugu jeclaa dharkeeyga ayaa ciriiri igu noqday, war dharkaan Turkiga laga keeno dhar ma ahan. Wiil yar oo Caseeye ahaa ayaa yiri: Adeer Maad tiraahdid Anigaa caliylay, ileeyn Shaatiga Numbarkiisu isma badaline. ( F.S:3aad).
( Meeqa Masuul ayaa Shaatigii ku yaraaday)
5-Adiga oo ku jiro Sawir Kooxeed “Group Photo” Haddii aad Maqasho Nin leh: Sawirka Boobsii, Boobsii. Ka aqbal Odayga una Fuuti, waxa uu isku celinayaa Neefta, si uu Calooshiisa u yareeyo oo eyna Sawirka uga muuqan. yaad xasuusatay?, (Haddii aad aragto, Xildhibaan leh, noo boobsiiya Ansixinta Raisul wasaaraha, Ha dhihin aan ka doodno iyo Maxaan ku Taageernaa oo uu Dalka u qabanayaa, ee ka qaleey Odayga. Xalay ayaa loo balan qaaday xil wasiirnimo).
6-Gabar ayaa Wiil ku tiri: Aboowe, Doobnimo waad ku daahaday, waxaan kugula talinayaa in aad xaasle Noqoto, oo Anniga iyo Adigu aan Guri Wada dhisno. Waxa uu ku yiri: Qofkii aan raadinayayba waa Adiga, waxaan waayay Gabar i tiraa aan Guri wada dhisno. Dhagxihii Anniga ayaa hayo, ee Adiguna noo keen 25 kiis oo Shamiindo ah iyo Nuurad, dhismahana Shaqaale kale looma baahno ,labadeenaa ku filan. Waxa ey ku tiri: Gacaliye sidaa ma ahan. Waxa uu ku yiri: yaa la gaadaa!!. ( F.S: 4aad).
( Haddii Siyaasi ku yiri: aan Masjid wada dhismo, waxaad tiraa qeybteed ka qaadahee?, Xoola xalaala oo kaliya ayaana lagu dhisi karaa. Muxuu kuugu jawaabayaa?)
Qore: Yahya Amir