Maxaa Soomaaliya uga suurto galay gudidda deyntii lagu lahaa?

Todobaadkaan waxaa la soo gabagabeeyay wadahadallo socday ku dhawaad saddex usbuuc oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF, waxaana qoraal ka soo baxay hay’addaasi lagu sheegay in dakhli uruurinta dowladda Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen cudurka Covid-19 iyo fatahaadihii ku dhuftay qeybo dalka ka mid ah.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in inakstoo caqabadahaasi ay jireen, haddana ay gaareen heer dakhli uruurin oo ka fiican sidii la saadaalinayay.

Dhamkakale arrimahasi ayaan ka wareysannay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u warramay tifaaftiraha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, Muxyadiin Axmed Rooble.