DIGNIIN CAAFIMAAD: WALIGAA HA CUNIN HADII BARADHADU YEELATO MIDABKAN CAGAARKA AH – FIIRI SAWIRKA HOOSE , SABAB?

Dhamaanteen waan jecel nahay cunista BARADHADA taasi dhib ma laha, Laakiin waxaa jira wax loo baahan yahay in aynu ka ogaano BARADHADA iyo Bii’ada loo baahan yahay in lagu keydiyo., in inaga mid ah wey ogtihiin in Baradhu ay u baahan tahay in lagu keydiyo meel qalalan oo mugdi ah inkastoo dadka badidiis aysan aqoon sida loo keydiyo, meel qabow oo iftiin leh ayeyna ku keydiyaan taas oo saameyn halis ah ku yeelata caafimaad keena.

Hadii Baradhada lagu keydiyo meel kulul oo qoyan wuxuu midabkeedu isu bedelaa cagaar Khafiif ah, dad badan ayaan aqoon in baradhadaas isu bedeshay cagaarka ay SUN noqotay , suntaas oo lagu magacaabo SOLANINE kana dhisanta baradhada.

Wargeyska NEW YORK TIMES ayaa soo wariyay in hadii qof culeyskiisu yahay 45.3 Kg uu cuno baradhada cagaaran ( Sumeysan ) oo culeyskeedu yahay 0.45 Kg uu runtii xanuunsanayo, dhanka kale Hay’ada Food Safety Authority of Ireland ayaa warbixin ku sheegtay in hadii wax badan laga cuno baradhadaas sumeysan laga qaadayo CALOOL XANUUN iyo WAR WAREER.

Warbixinta ayaa ku talineysa in baradhada uu midabkeedu isu bedelay in aan la cunin ama in la’iska jaro qeybta cagaarka ah, laguna keydiyo meel qalalan oo mugdi ah.

By. Muse Mohamed Osman.

muusekiimiko@gmail.com