Ciidanka Xoogga oo Shabeellada Hoose ku dilay Sarkaal iyo tiro kale oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka kumaandooska soomaaliya ee  danab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa labo jiho ka weeraray degaanka mubaarak ee gobolka shabellada hoose.

Kumaandooska soomaaliya ayaa howlgalka ku dilay gudoomiyihii al-shabaab ee degaanka mubaarak iyo tiro ka tirsan maleyshiyada al-shabaab.

sidoo kale ciidanka kumaandooska soomaaliya waxa ay howlgalka ku bur buriyeen gaari hoomey ah oo nabadiidka al-shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska soomaaliya oo la hadlay idaacada Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Horjogihii al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak iyo tiro maleyshiyaad ah.

Saraakiisha danab  waxa ay horjogaha la dilay magaciisa ku sheegeen sheekh cabdulle gaare oo nabadiidka al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak.