Ciidamada Booliska Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Khamri iyo gaadiid ay saarnaayeen.

Muqdisho:-Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta ay gacanta ku soo dhigeen maandoriyaha Khamriga, kaasi oo ay sideen gawaari.

Ciidamada ayaa sheegay in la doonayay in sifo sharci darro ah lagu soo geliyo khamrigaasi deegaannada uu maamulo maamulka Galmudug.

Taliska Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa waxay digniin u direen dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo kuwa isticmaala inay ka waantoobaa,isla markaasina ciddii ay ku arkaan ay horgayn doonaan sharciga .

Dhanka kale Deegaannada hoostaga gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanay , maandooriyaha Khamriga ee la soo gelinayo deegaannadaasi.