Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo ka taagan Deegaanka Tukaraq.

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan inay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Xiisada ayaa waxay ka dambeysay, kadib markii Soomaaliland ay degaanka tukaarq geysay Ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo lagu xoojiyay Ciidamadii horay u joogay degaankaas.

Maalin ka hor ayaa waxaa degaanka tukaraq gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale,waxana uu ciidamada u sheegay inay u diyaar garoobaan iska difaacitaanka wax uu ugu yeeray cadawga Soomaaliland.

Ciidamada Soomaaliland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa dhaq dhaqaqyo Ciidan halkaasi ka wada, waxaa xusid mudan in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay iyana ku sugan yihiin banaanka degaanka Tukaraq.

Dhanka kale Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa dhowr jeer oo hore wuxuu dagaal culus ku dhex-maray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca boqolaal qoys.