Qiso Cajiib ah oo Hargeysa igu qabsatey


***************************************
Sanadkii 2012 ayaan mudo billo ah ku noolaa magaalada Hargeysa. Hargeysa waa magaalo wanaagsan, dad wanaagsana ay ku nool yihiin.

Galab ayaan bas ka raacey wadada boqol iyo kontonka, waxaana u socdey bartamaha magaalada Hargeysa waxaana ila socdey wiil yar oo walaalo nahay oo markaa 13 jir ahaa. Wiilka waxaan ka keeney magaalada Muqdisho wuxuuna ku barbaarey xaafada Xamarweyne. Inta uusan iman Hargeysa wax fikrad ah kama haysan Somaliland iyo qadiyada gooni isu taaga iyo maamulka ka dhisan. Xilli adag ayuu Muqdisho ku soo qaatey iyo nolol adag , waxey noloshiisa u dhaxeysey dagaal, qaraxyada, qaxa joogta ah, weligii ma arag nabad iyo nolol xasiloon, xitaa mudo sannad ah weligii uma suurtagalin in uu si toos ah Iskuul u dhigto.

Baskii intaan aynu saarnayn dadkii rakaabka ahaa ee inoo dhawaa waxey ay aad ula yaabanaayeen af Soomaaliga wiilka ku hadlayo. Wuxuu ku hadlayey Lahjad af Soomaali aad u jajaban oo xaafadda Xamarweyne, Shangaani iyo qaybo kamid ah Xamar-Jabjab loogu hadlo. ” Abow Ilyaas, Abow Ilyaas ” ayuu leeyahay mar walba oo wax ii sheegayo.

Gabar yar oo aan da’deydu ku qiyaasey 7 ilaa 8 jir oo dhabarkeena danbe la fadhidey hooyadeed ayaa waxey tiri iyada oo kor u dhawaaqeysa: ” Hooyo kuwani soo ma aha Reer Xamarkii na xasuuqey ee diyaarada nagu duqeeyey”. Hooyadii baa tiri ” maya, iyagu ma aha ee naga aamus”. Wiilkii walaalkey ahaa ee ila socdey ayaa intii uu gadaal u eegey gabadhii yareed iyo hooyadeed ayuu wuxuu i weydiiyey su’aal: “Abow Ilyaas, Hargeysa nabad waaye ma i dhihino, maxaa waaye xasuuqa gabadhaan sheegeyso”. Baskii dadkii saarnaa ee inoo dhawaa baa hal ma na soo wada eegey. Aniga oo ka naxsan rakaabka baska saaran waxa ay oran doonaan ayaan wiilkii ku iri ” naga aamus, aniga ayaa kuu sheegi doono marka baska aan ka degno ” wuxuu si hoose ii yiri ” Waa yaabanahay reer Xamar goormee Hargeysa wax ku xasuuqeen, dadkaas maba dagaalamaan “. Reer Xamarka laga hadlayo wuxuu u qaatey Reer Xamarka dega xaafadaha Xamarweyne iyo Shangaani ee uu la soo barbaarey oo ah dad nabadda aad u jecel. Xasuuqa gabadha yar ka hadleysa maba uusan fahmin.

Arintii ugu dhibka badnayd waxey dhacdey markii aan soo gaarney bartamaha magaalada Hargeysa oo baskii laga sii dagayey. Wiilkii yaraa ee ila dhashey wuxuu arkey boor weyn oo ku sawiran madaaxweynihii xilligaas Axmed Silaanyo. Wiilkii ayaa mar kale su’aal i weydiiyey asaga oo leh: ” Abow Ilyaas ninka halkaas ku sawiran Siyaad Barre miyaa”. Oday i dhinac taagnaa oo baska ka sii dagayey oo hadalka wiilka maqley baa igu yiri ” War inanku ma xanuunsan yahay, ma Silaanyo buu ku qaldayaa Siyaad Barre, bal tani waali wey dhaaftey, maxaa sawirka Siyaad Barre Hargeysa suraya”. Dadkii baska saarnaa dood anaga nagu saabsan bey galeen. Wejiyadooduna carro baa soo fuushey. Intii ii dhaweed baan u sheegey in wiilku weligii Muqdisho soo dhaafin oo aqoon u lahayn Silaanyo iyo qadiyadda Somaliland, iyo in ay naga raali noqdaan.

Odayaashii mid ka mid ah oo Muqdisho ku noolaan jirey baa dadkii naga dhiciyey isaga oo leh ” Muqdisho dhalinta yar ee ku nool shido ku filan baa haysata, la yaab ma laha in Siyaad Barre iyo Silaanyo isku qaldaan ee dadkan martida inoo ah buuqa ka dhaafa”. Mid kale baa lahaa ” Ninkaa weyn oo Silaanyo garanaynin muxuu ahaa. Ilayn Hawiyuhu waa cawaan “.

Wiilkii ila dhashey oo aad u yaabey ayaa i weydiiyey markaan dadkii dhowr talaabo ka soo fogaaney ” Abow Ilyaas, yaa waaye Silaanyo? “. Markaas baan ku iri waa Madaxweynaha Somaliland. Asaga oo yaaban ayuu igu yiri ” Reer Hargeysana Madaxweyne mey qabaan?” . Intaan dhinacyada iska eegey ayaa aniga oo xanaaqsan ku iri ” Universal TV, idaacada soo ma daawan jirin ?. 13 jir baad tahay waxaad i weydiinaysid maxey tahay ?. Maya ayuu i yiri wuxuuna ii raaciyey ” War iyo Idaacad maxaa iga galey, aniga Film Hindi iyo Footboll keliyaa ka fiirsan jirey dhalada (TV-ga). Hargeysa , Soomaaliya lee ma ka tirsanoo, maxey kaloo sheegaayaan kuwaan “.

Wiilka 13 jirka ah ee Muqdisho ku barbaarey ee Silaanyo iyo Somaliland aqoon iyo gabadhii yareed ee 8 jirka ahayd ee xasuuqii 1988 iyo duqeyntii diyaaradaha ee Hargeysa la socota sidee mustaqbalka shir isugu soo hor fariisan karaan waxna isaga dhaadhicin karaan. Laba kala barisey kala war la’.

Ilyas Mohamud Hussein