Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo degmada Jilib meel fagaare ah ku dishay Nin Sixiroole ah.

Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe waxay ku toogteen Nin ay sheegeen inuu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Axmed Kuusane Xasan ayaa Al-Shabaab waxaa ay kasoo qabteen tuulada garsaeey Kuusa oo katirsan deegaannada Jooraha loo yaqaan ee Jubbada Hoose.

Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninkaasi uu sixray Haweeneey iyo Ninkeeda oo Aroos galay, sidoo kalena uu sixirka u adeegsan jiray kala geynta Ragga iyo Haweenka isqaba.

Axmed Kuusane Xasan ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay dambiga lagu soo oogay, waxaana lagu toogtay fagaaro ku yaalla degmada Jilib, iyada oo ay daawanayeen Boqolaal kamid ah dadka ku nool degmadaas.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay fagaarayaal ku yaalla degaannada ay maamulaan ku toogteen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageerada Ciidan siiya.