Dowladda Sweden oo Soomaaliya ka taageereysa sidii ay ugu biiri laheyd Ururka Ganacsiga Adduunka

MUQDISHO:- Ku simaha Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Sweden u fadhiya Muqdisho Ambaasadoor Staffan Tillander.

Ajandaha kulanka oo ahaa sidii Soomaaliya ay ugu biiri laheyd Ururka Ganacsiga Adduunka ayaa waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiqaadir Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda.

“Ambassador Staffen Till wuxuu maanta la kulmay Wasiirka iyo Wasiiru Dowladaha Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda, Waxaa aad looga sheekeystay sidii ay Soomaaliya ugu biiri laheyd Ururka Ganacsiga Aduunka sidoo kale waxaa laga wada hadlay arrimo badan oo dan ah labada dal” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay soo saartay safaaradda Sweden.

Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay howl fiican oo bilow ah ka sameysay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka.

Wasiirka Ganacsiga ayaa dowladda Sweden ka codsaday in laga taageero Soomaaliya Sidii ay ugu Biiri laheyd Ururka Ganacsiga Adduunka.

Safiirka Sweden Staffan Tillander ayaa sheegay in kulankani uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka.