Afrika oo Lagu Ammaanay In ay Si Wanaagsan U Xakamaysay Xanuunka COVID-19.

ADDIS ABABA:- Xarunta xakaameynta cudurada Afrika “CDC” ayaa dalalka qaaradda Afrika ku ammaantay qaabka ay uga jawaabeen xakamaynta xanuunka Koroona feyras.

Xarunta oo ah hay’adda 55-ka dal ee Midowga Afrika u qabailsan caafimaadka ayaa sheegtay in marka qaaradaha kale la eego sida dhibaatoyinka uu ugu geystay COVID-19 ay qaaradda Afrika ka yartahay isla markaana la xakameyay saameyntiisa, sidoo kalena dhimashada qaaradda Afrika ay aad u yareyd marka loo barbar dhigo dalalka kale ee dunida.

Tirada dadka uu haleelay xanuunka ee qaaradda Afrika ayaa noqotay 1.4 milyan oo qof, halka dhimashaduna tan iyo bishii February ay gaartay 34,000 oo qof.

Tiradaas aannu kor kusoo xusnay ayaa marka la barbardhigo qaaradaha Yurub, Asia iyo Mareykanka si aad ah ugu hooseysa, islamarkana waxaa hoos u sii dhaceysa tirda uu haatan cudurku soo ridanayo.

Madaxa xarunta xakameynta cudurada ee qaaradda Afrika, ayaa habka wanaagsan ee xakamaynta feyraska u sababeeyay qaaradda oo lahayd khibraado ku aadan cudurada faafa sida Ebola oo casharo laga bartay.

Afrika oo ay ku nool yihiin in ka badan 1 bilyan oo qof ayaa marka la eego caalamka waxay ka tahay dhanka kiisaska koroona wax ka yar 5%, halka tirada dhimasahda ay qaaradu ka tahay 3.6%.