Qarax ka dhacay Suuq ku yaalla Afgooye & khasaare ka dhashay.

Muqdisho:– Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayey ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi,iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dad shacab ah.

Goobta Qaraxa ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay.

Dhanka kale Afgooye oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee warkii.com Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.