Guddoomiyaha G/Banaadir oo daah furay hirgelinta biyo mareen biyaha Badda ku shubaya+Sawirro

Muqdisho:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Guddomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ayaa daah-furay hirgelinta Biya-Mareen loogu talagalay in biyaha  fariista  Warta isgooska Nambar-4 looga saaro.

Guddoomiye ku xiggeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir mudane Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ku guuleystay in biyaha ka yimaada Warta KM4 aysan markale xiri doonin jidka loo aado garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, ayna u sameeyeen goobo biyaha ay maraan oo ay badda ku shubaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu xoogga saarayo xal u helidda biyaha dhex ceegaaga waddooyinka caasimadda.

“Caqabadda ugu badan marka Amniga laga reebo ee na soo wajahda waxaa waxa ay ahayd roobabka oo bur buriyay waddooyinkii dhisnaa oo saameyn ku yeeshay bulshada caasimadda, juhdi badan kaddib waxaan ku guuleysanay inaan hirgelino goobaha biyaha u gudbiya badda” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.