Deni iyo Cumar Filish oo ka wada hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo arrimaha Doorashooyinka.

Muqdisho:–Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo weli ku sugan Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Banaaadir.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

Duqa Muqdisho ayaa si gaar ah Madaxweynaha Puntland ugu boggaadiyey doorkii uu ku lahaa in la go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo heshiiska laga gaaray.

Dhankiisa Deni ayaa uga mahadceliyey guddoomiyaha gobolka iyo shacabka Muqdisho, sida ay diiraan ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud “Filish” oo booqasho iigu yimi, waxaan uga mahadceliyay sida ay maamulka Gobolka iyo dadweynaha reer Muqdisho noo soo dhoweeyeen” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland oo maalmahan ku sugnaa gudaha warkii.com ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo marxalada kala guurka ah ee haatan lagu jiro.