Tirada dadka Maraykanka ugu dhintay COVID-19 oo sare u kacday.

Washington:- Tirada dhimashada safmarka COVID-19 ee Mareykanka ayaa mareysa ku dhowaad 200,000 tallaadadan maanta ah, taas oo ka dhigan in shantii qof ee feyraska Cororna caalamka ugu geeriyoota uu mid kamid ah yahay Maraykan, waxayna su’aal gelisay sida madaxweyne Trump ula tacaalay safmarka xilli markii labaad uu u loolamayo xafiiska.

Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins, Mareykanka waxaa laga diiwaan geliyey ugu yeraan 199,818 qof inay u dhinteen, iyadoo kiisaska COVID-19 ee dalkaas gaarayso in ka badan 6.8 million, waana dalka ugu badan caalamka kiisaska corona, In ka badan 70% dadka u dhintay da’dooda waxay ka weyn tahay 65 sano .
Cel celis ahaan todobaadkii Mareykanka waxaa ugu dhinta safmarka ku dhowaad 800 oo ruux, sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna intaas ku dartay in tirada dhimashada 5% korortay toodbaadkii hore.

Machadka caafimaadka Jaamacadda Washington ayaa saadaaliyey in tirada dhimashada gaari doono 378,000 oo ruux dhammaadka sanadkan 2020, iyadoo maalin kasta ay geeriyoon doonaan 3,000 ilaa bartamaha bisha December.

Dadka dhaliila maamulka Trump waxay sheegeen in xogaha feyraska ay tilmaan u tahay sida maamulku ugu guul dareystay in uu wax ka qabto safmarka.
“Karti xumada iyo beenta Donald Trump ayaa sabab u ah in aan aragno lixdii bilood ee la soo dhaafay in Mareykanka ay ka dhinteen dadkii ugu badnaa taariikhda ,”sidaa waxaa isniintii sheegay musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Joer Biden.

Gobolada ugu dhimashada badan waxaa kamid ah, gobolada koofureed ee Mareykanka Texas iyo Florida, waxaana ku soo xiga California. Isniintii, Trump waxaa uu qirey in dalka uu xaalad xun ku jiro.

Trump ayaa ka dambeeya Joe Biden ra’yi uruurin la sameeyey saadaasha guusha doorashada, inkastoo ay aad isugu dhow yihiin haddana Madaxweyne Trump waxaa caqabad ku ah sida uu u maareeyey safmarka COVID-19 iyo dhaqaale burbruka wadanka ka dhacay, taas oo laga yaabo in codad badan uu ku waayo doorashada 3-da bisha November ee sanadkan.