Shan goobood oo aad u dalxiis tegi karto gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan 13-ka bisha Sabtembar sannad walba u aqoonsatay in ay tahay maalinta dalxiiska Soomalaiya, ujeeduna waxa ay tahay sidii loo dhiiragelin lahaa dalxiiska gudaha ee Soomaaliya.

Isla maalintaas, sannadkii 2017-kii ayey Soomaliya ku biirtay hey’adda Dalxiiska Adduunka, waxayna ku adkeysatay in dib loo soo nooleynayo dalxiiska Soomaaliya.

Dalxiiska Soomaaliya oo soo maray marxalado kala duwan, tan iyo 1960-kii, wuxuu ka mid ahaa hantida iyo hay’adahii dhisnaa ee dalka, iyo kaabayaal dalxiis oo gumeystihii Taliyaaniga uu ku wareejiyay dowoalddii Soomaaliya ka curatay 1960-kii. Waxyaabihii u ku wareejiyayna waxaa ka mid ahaa hoteelka caanka ah ee Juba iyo Shabeele Hoteel.

Carruur ku dabaalaneysa meel u dhow dhismahan qadiimga ah ee Muqdisho.

Waaxda dalxiiska Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay bur burkii, waxayna qaadatay ku dhowaad 30 sano, sidii dib loogu soo nooleyn lahaa.

Yaasir Baafo, oo ka mid ah dadka u ololeeya dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka uu ka mid yahay dalalka caalamka ee dalxiiska dhabiiciga ah leh, haddii ay ahaan lahayd cimiladda, badda, beeraha, buuraha, biyo dhaca, carada iyo wabiyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii la soo dhaafay hirgelisay siyaasadda dalxiiska Soomaaliya oo ay ansixiyaan golaha wasiirada 29-kii Disember 2019-kii.

Sidoo kale, dhallinyarada ugu badan ee Muqdisho waxay dalxiis u tagaan Xeebta Liido.

Inkastoo amni ahaan, Soomaaliya weli aanay ka jrin isku hallayn buux, sidoo kalena Dowladda Federaalka waxay wali dagaal kula jirta ururk Al Shabaab oo beegsata hoteellada, haddana muddooyinkii la soo dhaafay waxaa jiray dad si iskood ah isu abaabulay oo dalxiisSoomaaliya soo bandhigaya, iyagoo ka faa’ideesanaya cimilda, doogga qurxoon, badda iyo xoolaha loo daawasho tago.

Waxaa sidoo kale jira goobo badan oo kala duwan oo loo dalxiis tago. Waxaa soo qaadaneynaa qaar ka mid ah:

Goobweyn

.

Goobweyn waxay ku taallaa duleedka magaalada Kismayo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxayna 10km u jirtaa bartamaha magaalada Kismayo.

Qaab dhismeedka Goobweyn iyo sida waxyaabaha dabiiciga ah, waxay ay ka mid yihiin meelaha aadka looga xiiseeyo dalalka caalamka, waana bar ay isaga darsamaan biyaha badda iyo wabiga Jubba.

Goobta waxaa beero ka sameystay dad beeraley ah, waxayna leedahay dhir kala duwan, maadaama laga heli karo biyaha badda iyo kuwa wabiga.

Sidoo kale waxay hadda noqotay goob dalxiis oo inta badan dadka taga magaalada Kismayo ay booqdaan ayna isaga soo qaadaan sawiro, gaar ahaan halka ay isaga darsamaan biyaha wabiga Jubba iyo kuwa badweynta Hindiya.

Xeebta Jazeera

.

Xeebta Jazeera oo ah dhul xeebeed u jirta 20 KM magaalada Muqdisho ayaa ah goob horay loogu asteeyay in ay ka mid noqoto goobaha dalxiiska Soomaaliya xilligii dowladii dhexe.

Inkastoo aysan lahayn hoteello la seexo oo u dhow, haddana xeebta Jasiira waxay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan Soomaaliya.

Xilligii burburka uu jiray ayey xeebta Jasiira ka mid ahayd goobaha dalxiis ee dadka ay aadi jireen.

Xilli galab ah oo qoraxdu sii dheceysay iyo dad ku sugan Xeebta Jasiira, waxaa dushooda mareysay diyaarad ku sii degeysay garoonka Aadan Cade

Jaziiradda Sacaadu Diin

Jasiiradda

Jasiiradda Sacaadu Diin waa jasiirad yar oo ku taalla xeebta magaalada Seylac ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaana loo socdaa 15-20 daqiiqo oo doon ah. Waxay ka mid tahay meelaha ugu bilicda iyo daawasha badan ee ay booqdan shacabka Somaliland.

Goobtani had iyo jeer way cagaaran tahay, waxaana ka baxa geedka loo yaqaano qandalka, wana agoob biyaheedu ay degan yihiin. Sacaadadiin waa jasiiradda ugu caansan jasiiradaha Somaliland ee loo dalxiis tago.

Dadka inta badan taga halkaas waxay adeegsadaan laashash, mana ahan goob deegaan oo lagu hoydo, balse waxaa loo tagaa dalxiis oo keli ah.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Khadar Xaaji Cabdullahi oo dhawaan halkaas booqday ayaa sheegay in goobta ay tahay mid soo jiidasho leh, dadkuna ay xiiseeyaan inay ku dabashaan biyaha nadiifka ah, doomahana ku dhexmaraan.

Xeebta magaalada Eyl

.

Eyl oo ah magaalo taariikhi ah una jirta 240 kilomitir magaalada Garowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa caan ku ah buuro iyo dhismooyin taariikhi ah tan iyo Talyaanigii iyo Xarumihii saldhiga u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ay wali dhismooyinkaas qadiimiga ah ka dhex muuqdo magaalada bartamaheeda.

Magaalada waxaa kale oo ay leedahay beero iyo xeeb qurxoon. Waxaa ay sidoo kale leedahay matxaf lagu keydiya ama lagu qurxiyay waxyaabaha u gaarka ah dhaqanka Soomaalida.

Waxay kamid tahay goobaha la booqdo ee gudaha dalka. Sidoo kale waxaa ku yaala dhisma weyn oo uu dhisay Sayid Maxamed Cabdile Xassan.

Hobyo

Magaalada Hobyo

Magaalada Hobyo waa magaalo xeebeed ka tirsan maamul goboleedka Galamudug, waana magaalo aad u quruxbadan oo leh dhismooyin taariikhi ah, kuwaas oo ku teedsan xeebta magaalada.

Hobyo waxaa u dalxiis taga dad badan oo ka soo safra gobolada dhexe ee dalka, waxayna ka mid tahay goobaha ku haboon dalxiiska, sida ay sheegtay hey’adda Dalxiiska Soomaaliya.

Goobtan waxaa hadda laga wadaa in la casriyeeyo lagana dhiso meelo nasasho iyo maqaayada, sida ay sheegeen dadka u ololeynaya in la qurxiyo.

Inkastoo ay jiraan goobo kale oo gudaha dalka loo dalxiis tegi karo, haddana waxaa la aaminsan yahay in jiraan kuwo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor ku soo xusnay.

Dad kalluumeysato ah oo shabaq dhiganayay xeebta Hobyo

Dalxiiska Soomaaliya ayaa dhowaanahan soo xoogeysanayay, waxaana dadka u dalxiis tagay ka mid ah kuwa aan Soomaali ahayn.

Balse wuxuu ku tiirsan yahay Soomaalida dalka gudihiisa ka soo safarta ee u damaashaad taga goobo kala duwan iyo kuwa qurbaha ka yimid ee oo xiiseynaya in Soomaaliya ay kala bartaan.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in haddii nabad buuxda la helo, uu dalxiiska dalka xoogeysanayo dhaqaalena laga heli doono, maadama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika.

Xigasho:BBCSomali